Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/laahi Farmaajo ayaa ku sii jeeda dalkii ugu horeeyay ee casuumaad u fidiya inuu booqdo.
War kaga soo xigtay safaaradda Soomaaliya ee dalka Masar ayaa sheegaya in wafdi uu hogaaminayo Madaxweynaha ay dalkaasi tegi doonaan Axadda Berrito ah ee Axadda.
Warqad kaso baxday safaaradda Soomaaliyeed ee dalka Masar aya lagu xaqiijiyay in madaxweyne Farmaajo booqasho rasmi ah ku tegayo dalka Masar, isagoo la kulmi doono jaaliyadda iyo ardayda ku sugan Qaahira.
Madaxweynaha Masar C/fataax Alsisi ayaa casuumaad u fidiyay madaxweynaha Soomaaliya, isla markii la doortay, waxaana wafdi loo soo diray ay soo gaarsiiyeen casuumadda.
Farmaajo ayaa ka baaqsaday dibna u dhigtay casuumaadda Masar, waxaana dhacday in dhowr jeer ay is arkeen madaxweynaha Masar iyo madax kale oo dalkaasi ka tirsan ay xusuusiyeen martiqaadkiisii.