Guddiga Doorashada Madaxweynaha iyo Madaxweyne ku xigeenka Galmudug ayaa maanta shahaadada musharaxnimo ee xilka madaxweyne ku xigeenka Galmudug guddoosiiyey Musharax Maxamed Xaashi Carrabey.
Musharaxa Madaxwayne ku xigeen Maxamed Xaashi Carabeey ayaa markii labaad u taagan xilkan, isagoo hore uga mid ahaa maamuladii ay kala hoggaaminayeen Madaxweynayaashii hore ee Galmudug C/kariin Xuseen Guuleed iyo Axmed Ducaale Geelle Xaaf, isagoo qeyb ka ahaa khilaafaadkii ragaadiyey maamukaasi.
Guddiga Doorashooyinka Madaxwaynaha iyo Madaxwayne ku xigeenka Galmudug ayaa diiwaan geliyey musharixiintii ugu badnaa ee xilka madaxweyne ku xigeenka Galmudug oo ilaa 9 musharax ilaa hadda ay caddeyeen inay u taagan yihiin.