Wasaaradda Arrimaha dibadda Soomaaliya ayaa shaacisay inay marti gelin doonto shir ay ka soo qeybgeli doonaan 15 da oo ka socda dalalka Ururka Iskaashiga Islaamka.
Shirka ayaa magaalada Muqdisho ka dhici doona 27-ka Oktoobar, iyadoo ay ka qeybgeli doonaan 14-ka dal ee Kooxda Xiriirka Soomaaliya ee Ururka Iskaashiga Islaamka, iyadoo markii ugu horeysay shirkaasi ay martigelineyso caasimadda Soomaaliya.
15-ka dal ee Kooxda Xiriirka Soomaaliya ee Ururka Iskaashiga Islaamka, waxay kala yihiin:
1- Azerbaijan
2- Brunei
3- Djibouti
4- Egypt
5- Gabon
6- Iran
7- Kuwait
8- Malaysia
9- Pakistan
10- Qatar
11- Saudi Arabia
12- Sudan
13- Turkey
14- UAE
15- Yemen
Waxaa kaloo shirka qeyb ka ah xogheynta xoghayaha guud ee ururka Iskaashiga islaamka.