Sunday, July 13, 2025

Magaca iyo Calanka maamulka cusub ee Hiiraan & Shabeelaha Dhexe oo la shaaciyay

Ergada ka qeyb galeysa shirka maamul u sameynta gobollada Hiiraan iyo Shabeellaha Dhexe ayaa caawa isku raacay magaca u iyo calanka uu yeelanayo maamulka cusub ee labada gobol.

Magaca Maamulka labada gobol uu noqdo HirShabeelle, oo lagas oo dhex xulay ilaa 47 magac oo lagu soo bandhigay shirka.  Sidoo kale waxay ergadu meel mariyeen calanka uu yeelanayo maamulka oo midabkiisu uu yahay Calanka buluuga ee dhexda xidigta ku leh, doog cagaaran oo wehliya geed iyo webi.

hirshabeelleXogahyaha joogtada ah ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha Soomaaliya Prof. Yaxye Cali Ibraahim ayaa sheegay in kulan guud lag ansixin doono Dastuurka maamulka cusub ee Hirshabeele.

Maalinta gelinkii hore ayay ergada  shirka Jowhar isku raaceen in caasimada maamulka labada gobol ay noqoto Magaalada Jowhar.

Goobjooge.com

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON