Waxaa la shaaciyey askarigii Mareykanka ee ku dhintay weerarkii shalay Alshabaab ku qaaday saldhigga Manda Bay, ee Gobolka Lamu, dalka Kenya.
Warbaahinta Maraykanka oo soo xigatay Qoyska Askarigaasi oo madow ah ayaa xaqiijiyey in askariga la dilay lagu magacaabi jiray Henry Mayfield, wuxuuna oo ahaa 23 sano jir. Henry Mayfield ayaa la sheegay inuu ciidanka ku biiray bishii June 2018-ka.
Laba kale oo tirsan qandaraaslayaasha Wasaararda Gaashanahdigga Maraykanka ayaa iyagana lagu dilay weerarkaasi kuwaasi oo ana weli la magacaabin, halka laba kalena ay ku dhaawacmeen oo xaaladooda lagu sheegay inay degan tahay.

Al-Shabaab ayaa sheegatay mas’uuliyadda weerarkan lagu qaaday saldhigga ciidamada Mareykanka iyo Kenya wada deganaayeen, waxayna shaacisay inay weerarka ku dishay 17 Mareykan ah iyo 9 Kenyaan ah.
