Booliska Ingiriiska ayaa shaaciyey magaca ninkii Soomaaliga ahaa ee fuliyey falkii lagu dilay Xildhibaankii dalka Ingiriiska Sir David Amess.
Ninka oo 25 sano jir ah ayaa heysta dhalashada Ingiriiska, wuxuuna asalkiisu yahay Soomaali, iyadoo magaciisu yahay Cali Xarbi Cali, sida uu shaaciyey Booliska, wuxuuna dila xildhibaan Sir David Amess qorsheynayay mudoo toddobaad ah.
Waxaa socda baaritaanka ninkan oo Booliska ay sii heyn doonaan ilaa 22-ka bishan Oktoobar inta aan maxkamad lasoo taagin, iyadoo loo heysto dil darajada koowaad ah oo alka ku haya argagixisnimo..
Saxaafadda Ingiriiska ayaa qortay in wiilkan uu dhalay nin ahaa La -taliyihii hore ee dhinaca Isgaarsiinta Ra’isul wasaaraha Somalia. Xarbi Cali Kullane, wuuxuna aabahaasi xaqiijiyey inuu dhalay wiilka loo qabtay falka dilka Xildhibaanka, isagoo aad uga naxay arrintan.
Aabaha dhalay ninkan ayaa u sheegay wargeyska The Sunday Times: ‘inuu aad uga nanay falka la sheegay inuu wiilkiisa geystay, isla markaana uu dareemay argagax. “Ma aha wax aan filayay ama weligay ku riyooday” ayuuna yiri.
Ninka Soomaaliga ah ayaa kasoo jeeda Qoyska Reer Cali Kulane oo Galmudug caan ka ah, waxaana laga yaqaan aabihii Xarbi Cali iyo safiir Cawaale Cali Kulane.

Baaritaana bilowga ah ayaa tilmaamay in qofka weerarka geystay uu yahay ‘Mid iskiis’ u fuliyey denbiga, waxaana socda dadaal lagu doonayo in lagu raadiyo xiriir uu lahaa kooxaha islaamiga ah, haddiiba uu jiro.
Waxay Boolisku baaritaan ku sameeyeen Guri ku yaalla Waqooyiga London oo uu ku noolaa Cali Harbi, waxaana sidoo kale la baaray laba Guri oo kale oo la sheegay inuu tegi jiray.
Xildhibaanka uu dilay ee David Amess, ayaa ahaa 69 sano jir ah, wuxuuna xildhibaan soo ahaa ilaa sanadkii 1983, wuxuuna Cali ku qaaday weerar uu Mindi u adeegsaday oo ilaa 10 jeer ka badan uu ku dhuftay.