Muuqaalka CCTV ayaa suurageliyay in la aqoonsado labadan Nin ee Burcadka ahaa, waxayna ka kala tirsanaayeen Ciidamada Booliska iyo Asluubta.
Maxkamadda Ciidamada Qalabka sida ayaa xukun xabsi ciidan ah ku riday laba eedeysane oo fal burcadnimo ka geystay Carwo ku taalla magaalada Muqdisho.
Faarax Cabdullaahi Calasow (Faaraxey) iyo Maxamed Abshir Maxamed (Camey) ayaa kiiskooda kasoo bilowday markii baraha bulshada laga daawaday Muuqaal ay duubtay Kaamerada CCTV ee Carwa Kaah Electronic oo ku taal degmada Hodan gaar ahaan Taleex 29-kii June 2021, iyagoo xilli glab ah dhac u gaysanayo Carwadaasi.
Labada Burcad ee Faarax iyo Maxamed ayaa Carwada ka qaatay telefoono mobile ahsida IPHONE, SAMSUNG iyo agab kale oo electronic ah, waxaana lagu qiimeeyay lacag gaareysa $12,945 Dollar.
Mid ka mida Burcadda oo ah laba Alifle Boliis Faarax Cabdullaahi Calasow (Faaraxey) ayaa u gacan galay Ciidamada Amniga 2 July 2021, oo isla xilligaasi lagu wareejiyay Hay’adda dambi baarista Boliiska CID, waxaana baxsaday Maxamed Abshir Maxamed oo ka tirsanaa ciidamada Asluubta.
Xeer Ilaaliyaasha Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida ayaa kusoo eedeeyay labada eedeysane ee midkood baxsadka yahay in ay magaallada ka geysteen dhac baahsan, balse ay tahay Camerada Kaah meesha kaliya ee laga helay caddeyntooda, waxa uu sidoo kale soo bandhigay dambiya kale oo uu gaystay eedeysanaha Maxkamadda hor taagan sida dhaawac uu hore dhibane ugu gaystay.
Maxkamadda ayaa maanta ku wada xukuntayFaarax Cabdullaahi Calasow (Faaraxey) iyo Maxamed Abshir Maxamed (Camey) oo maqane ahaa min 10 sano oo xabsi ciidan ah iyo bixinta qiimaha lacageed ee qalabkii ay dhaceen.
