Wiilkii Soomaaliga asalkiisu ka soo jeeday dalak Norway, kana danbeeyay weerarkii xalay saqdii dhexe lagu dilay haweeney Mareykan ah laguna dhaawacay 5 qof oo kale magaalada London ee dalka Ingiriiska ayaa la shaaciyay magaciisa.
Wiilkan oo 19 sano ah, dhimirkiisuna kala dhiman yahay ayaa lagu magacaabaa Zakariye Bulxan, wuxuuna kasoo guuray dalka Norway isagoo sanadkii 2002 Koonfurta magaalada London.
Booliska London ayaa meesha ka saaray in weerarkiisu yahay mid qorsheysan ama argagixiso waxayna caddeeyeen inuu yahay qof madaxa looga jiro.
AKHRI WARKA WEERARKA LONDON
Ninkii weerarka Mindi ku qaaday magaalada London oo noqday Soomaali
Goobjooge.com