Wxaaa maant magaalada Cadaado ka dhacday doorashada labo kursi oo ka tirsan baarlamaanka federaalka Soomaaliya.
Labada kursi waxaa ku tartamay haween qura, waxayna ahaayeen kuraas loo qoondeeyay haweenka.
Kursiga koowaad waxaa ku tartamayay seddex haween ah oo kala ah:
- Maryan Maxamed Xuseen
- Farxiyo Maxamed Xuseen
- Ikraan Cabdinuur Cabdullaahi
- iyo Khadiijo Aadan Cabdi oo aan soo xaadirin goobta doorashada.
Kursiga waxaa ku guuleysatay Maryan Maxamed Xuseen oo heshay 48 cod.
Kursiga labaad ee Cadaado waxaa ku tartamayay:
- Maryan Xaaji Cabdi Geeddi
- Miski Xasan Shidane
- iyo Yaasmiin Maxamed Cali.
Waxaa ku guuleysatay Maryan Xaaji Cabdi Geeddi oo heshay 48 cod.
Goobjooge.com