Wednesday, June 25, 2025

Magacyada Saraakiil ka tirsanaa Milateriga oo lagu dilay Qarax ka dhacay Shabeelada Hoose [Akhriso]

Faahfaahin dheeraad ah ayaa ka soo baxeysa qarax ka dhacay duleedka magaalada Wanlaweyn ee Gobolka Shabeelada Hoose, kaasoo lala beegsaday saraakiil iyo ciidamo ka tirsan milateriga Soomaaliya.

Saraakiisha oo gurmad ugu socday Wanlaweyn kadib dagaalkii Alshabaab ku soo qaadeen aroortii saaka ayaa ka tirsanaa Guutada 6aad ee ciidamada xoogga, waxayna kala yihiin:

1- Xuseen Cismaan Xeyle oo ahaa Abaan duulahii Guutada 6aad ee Ciidanka xoogga Dalka Soomaaliya

2- Maxamed Xasan Baakaati oo ahaa taliye unug oo ka tirsan Guutada lixaad.

Mida ka mida saraakiisha Guutatada lixaad Maxamed C/llaahi ayaa sheegay in saraakiishan ay ku dhitneen qarax loo dhigay wadadda dhinaceeda.

Alshabaab ayaa sheegatay inay 19 askri uga dileen dagaalkii ay ku qaadeen saaka degaanada Tixsiile, Warmaxan iyo degaano kale oo ka tirsna Wanlaweyn, isla markaana ay laba gaari oo kuwa dagaalka ah ka furteen, taasoo ay beeniyeen saraakiisha xoogga dalka.

Goobjooge.com

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON