Wednesday, July 16, 2025

Magacyada Saraakiisha hoggaamineysa Dagaalka Alshabaab ku qaadeen Sh. Mukhtaar Roobow [Akhriso]

Saraakiil caan ah  oo mas’uuliyiin hore ka ahaa Alshabaab ayaa la sheegay inay hoggaaminayaan dagaalka lagu qaaday Sheekh Mukhtaar Roobow Cali (Abuu Mansuur).

Dagaalkan oo saaka qarxay  ayaa wararku sheegayaan in Alshabab ay adeegsanayaan maleeshiyo boqolaal ah oo dhowaanahan lagu ururinayay gobolka Bakool.

Laba sarkaal ayaa Alshabaab u hoggaaminaya dagaalkan waxayna kala yihiin: Xasan Yacquub Cali oo hore u ahaa Waaligii Alshabaab ee Jubbada Hoose haddana ah waaliga ama guddoomiyaha Gobolka Galgaduud iyo C/llaahi Macalin Geedow oo ah waaliga Alshabab ee Gobolka Bakool.

Labadan nin ayaa hore uga hoos shaqeyn jiray Mukhtaar Roobow markii uu ahaa ku xigeenka Amiirka Alshabaab, balse waxay xaaladu is bedeshay markii hoggaanka sare ee kooxda ay is khilaafeen.

Xiisada colaadeed ee Alshabaab iyo Sheekh Mukhtaar Roobow ayaa laba kacleysay markii Mareykanka uu Sheekha ka saaray liiskii argagixisada, taasoo shaki ku abuurtay Alshabaab oo dalab u diray si uu ururka dib ugu soo laabto, markii uu diidayna dagaal ku iclaamisay, kaasoo maanta qarxay.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON