Guddoomiye ku xigeenkii Baarlamaanka Federaalka ayaa ku guuleystay xildhibaanka ka tirsan Baarlamaanka Federaalka doorasho maanta ka dhacday magaalada Muqdisho.
Mahad Cabdalle Cawad ayaa hore ugu fashilmay inuu ka soo galo degaanada Puntland oo mar loo sharxay aqalka sare, iyo Galmudug oo uu diiday inuu tago.
Musharaxan oo isbaheysi siyaasadeed ka la laha maamulka Puntland iyo madaxweyne C/weli Gaas ayaa Guddiga doorashada ka dalbaday in kursigiisa loo soo wareejiyo magaalada Muqdisho, maadaama aanu tegi karin magaalada Cadaado sababo siyaasadeed iyo kuwa ammaan darteed.
Kursiga Mahad ku soo baxay ayaa ka mida kuraastii beesha Dir ee taallay magaalada Cadaado, balse loo soo wareejiyay magaalada Muqdisho.
Doroashadii maanta ayaa Mahad Cabadalla Cawad wuxuu ku guuleystay 50 cod, isagoo ka adkaaday musharaxii la tartamaayay ee Xasan Maxamed Nuur oo helay 1 cod.
Goobjooge.com