Thursday, March 28, 2024

Mahad Salaad oo u jawaabay Xildhibaan C/risaaq Cumar & C/raxmaan C/shakuur oo Alshabaab dacaayad u faafiyey

Qaar ka mida siyaasiyiinta iyo xildhibaannada ayaa lagu eedeeyay inay kooxda Alshabaab u fidiyeen dacaayad kadib markii ay faafiyeen muuqaallo ay kooxda ku sheegatay inay lacag seko ahaa u qeybisay dadka magaalada Muqdisho.

Warka Alshabaab oo si weyn baraha bulshada loogu shaaciyey ayaan lagu xusin goobta lagu qeybiyey, balse xildhibannada iyo siyaasiyiinta mucaaradka ah ku ah dowladda ayaa qaatay wararka la isla dhex marayey in Alshabaab Muqdisho dhexdeeda ama Suuqa Bakaaraha ku qeybisay lacagtaasi, iyadoo sawirrada ay faafisay Alshabaab uu ka dhex muuqday afhayeenkooda Sheekh Cali Dheere.

C/raxmaan C/shakuur Warsame ayaa qoraalkan hoos soo dhigay baraha bulshada isagoo si weyn loogu cambaareeyay inuu isku khalday mucaaradnimada iyo xaqiiqo sheegista, isuna bedelay afhayeen dacaayadaha u fidiya Alshabaab.

Ad

“Hadii Afhayeenkii Kooxda Alshaab Cali Dheere uu maalin cad Suuqa Bakaaraha ku qaybinayo wax uu ugu yeeray Zako uu xoog uga qaaday Ganacsatada suuqa Bakaaraha. Tani waa marqaati ma doonto in amnigii gacanta ka baxay, waana ayaan daro in Muqdisho ay ku laabatay meeshii ay 2010kii joogtay…” ayuu qoraalkiisa ku yiri C/raxmaan C/shakuur.

Waxaa qoraalka C/raxmaan C/shakuur ku sirmay oo isna twitter-ka ku taageeray, isla markaana sheegay in Suuqa Bakaaraha lacag qeybintu ka dhacday wasiirkii hore ee Amniga oo hadda ah xildhibaan ka tirsan Xisbiga uu hoggaamiyo Xasan Sheekh, waa ninka lagu magacaabo C/risaaq Cumar Maxamed oo yiri:

Alshabab spokesperson Ali dheere today distributed zakaat in Bakarah market, approx.1km from Villa Somalia.Its time 4 parliament 2 do its oversight responsibility..” (Afhayeenka Alshabaab Cali Dheere wuxuu maanta Zeko ku qeybiyay Suuqa bakaaraha oo 1 KM u jira Madaxtooyada Villa Somalia. Waa xilligii Baarlamaanka waajibaadkiisii la socodka sameyn lahaa..”

Waxa ka daba qaatay xidhibaan Mahad Maxamed Salaad oo inkastoo uu yahay mucaarad, haddana dhinac kale ka eegay  arrinta, wuxuuna ak hor yimid saaxiibadiisa, isagoo cinwaan ka dhigtay: SHABAAB MIYAA LOO DANAYNAYAA MISE?!

Xildhibaan Mahad Salaad ayaa qoraalkiisa ku yiri: “Shabaab ayaa Suuqa Bakaaraha lacag Zako ah ku qeybinaya dadka faafinaya ma dalka iyo dadka Soomaaliyeed ayay ugu daneynayaan mise Shabaab ayay buunbuunin iyo suuq geyn u sameynayaan?!. Anigu waxaan qabaa dhaliilaheenu in ay noqdaan kuwa wax dhisaya. Dalka iyo dadkana aan u turno oo cadow in uu qabsado yaanan horseedin. Fashilka amni ee jirana aan kula xisaabtano hay’adaha iyo dadka ka mas’uulka ah!…”

Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON