Sunday, July 13, 2025

Mahad Salad oo Madaxweyne Farmaajo ku eedeeyay shirqoolo lagu leynayo saraakiil Hal Beel kasoo jeeda

Xildhibaan Mahad Maxamed Salaad oo ka mida Baarlamaanka 10-aad ee waqtigiisii dhammaaday ayaa eedeyn aan hore loo arag usoo jeediyay Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo.

Xildhibaanka ayaa qoraal uu faafiyey ku sheegay in qaraxyo lagu beegsanayo saraakiil uu sheegay inay beel qura kasoo wada jeedaan, wuxuuna soo qaatay qaraxii maanta ka dhacay degaanka Tixsiile, ee Gobolka Sh/Hoose.

“Labo Sarkaal oo ka mid ah saraakiisha ugu firfircoon Ciidamada Qalabka Sida lana soo farmuuqay gaarigii ay saarnaayeen sida la ii sheegay ayaa saakay lagu qarxiyay deegaanka Tixsiile ee Gobolka Shabeelada Hoose. Dhaawac culus ayaa soo gaaray ee Allaha u boogo dhayo. Intii ku dhimatana Allaha u naxariisto, eheladoodana samir iyo iimaan Allaha ka siiyo.Sidoo kale waxaa asbuucyo kahor Gaalkacyo lagu xasuuqay Saraakiishii Qaybta 21aad” ayuu qoraalkiisa ku yiri Mahad Salaad.

Wuxuu intaas ku daray in saraakiisha qaar ee magaalada Muqdisho ku sugan guryahooda loogu dhacay si loo dilo, halka qaar kalena uu Madaxweyne farmaajo in la soo xiro amray sida uu yiri.

“Saraakiil kalena Farmaajo ayaa waaran u jaray si loo soo xiro. Waana qorshe lagu beegsanayo saraakiil hayb ahaan ka soo jeeda hal beel. Sidoo kale saraakiil ku sugan garoonka diyaaradaha ee magaalada Muqdisho waxay sheegeen maalmo kahor in garoonka diyaaradaha Aadan Cadde qaybta Afisyoone laga dajiyay kartoomo ay ku jiraan MIINOOYINKA SOO BOODA oo laga keenay dalka Eratareeya. Ayna suurogal tahay in loo adeegsado shirqoolo ka dhan ah siyaasiinta iyo saraakiisha ka aragtida duwan MW Farmaajo.” ayaa ka mid ahaa qoraalka Xildhibaanka

Xildhibaan Mahad Salaad ayaa kula taliyey sarkiisha inay is jiraan, foojignaan dheeri ahna muujiyaan, si buu yirihanbada hartay looga badbaadiyo halaaga Madaxweyne Farmaajo la maagan yahay!

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON