Friday, June 27, 2025

Majaajiliiste Ajakis oo weli ku xiran Hargeysa loona masaafurinayo Magaalada Muqdisho [Warbixin]

Faafhaahin dheeraad aha yaaa kasoo baxeysa sababta magaalada Hargeysa loogu xiray Majaajilistaha caanka ah ee  Cabdi Muriidi Dheere (Ajakis) oo shalay laga qabtay garoonka Magaalada Hargeysa.

Saraakiila ka tirsan  Booliska Somaliland ayaa  laga soo xigtay in Cabdi Muriirdi Ajakis loo xiray isagoo degaanada Somaliland  galay isagoo aan heysan ogolaansho looga baahan yahay dadka u shaqeeya saxaafadda, isla markaana ayna su’aalo weydiinayaan oo ay ku socoto baaris dibna loogu celin doono Muqdisho.

Dhinaca kale mas’uuliyiinta  TV-ga Universal ee magaalada Hargeysa ayaa sheegay in Ajakis safar shaqo oo keliya ku tegay Magaalada Hargeysa isagoo ku sii jeedan degaanka Soomaalida Itoobiya.

Saxaafadda Somalilad ayaa faafisay warar ay ka soox igteen mas’uuliyiinta waaxda socdaalka Somaliland ooo sheegaya in Cabdi Muriidi (Ajakis) loo soo masaafurin doono magaalada Muqdisho oo diyaarad kale dib loogu soo celinayo.

Ajakis ahaa ka howlgala telefishanka Universal ee fadhigiisu yahay magaalada London ee dalka Ingiriiska isagoo barnaajinka la magac baxay Faaliyaha Qaranka jeediya oo si shactaro ah wax looga sheego siyaasiyiinta Soomaalida.

Goobjooge.com

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON