Sunday, July 13, 2025

Maleeshiyada Alshabaab oo Weerar ku qaaday Baardheere iyo Wararkii ugu danbeeyay…

Wararka laga helayo Gobolka Gedo ayaa sheegaya in maleeshiyada Al-Shabaab ay xalau=y weerar ku qaadeen saldhigga ciidamada dowladda ee degmada Baardheere ee Gobolka Gedo.

Dagaal culus ayaa dhex maray maleeshiyada Alshabaab iyo ciidamada xoogga dalka Ururka 49-aad ee fadhigoodu yahay Degmada Baardheere Ee Gobalka Gedo, iyadoo labada dhinac uu kasoo gaaray qasaare.

Saraakiisha Millateriga Gobolka Gedo ayaa sheegay inay iska caabiyeen weerarkii Al-Shabaab, ayna jab iyo khasaare lixaad leh gaarsiiyeen, dibna u celiyeen. Wararkii ugu danbeeyay ayaa sheegaya in ciidamada dowladda ay baaris ka wadaan degmada Baardheere iyo agagaarkeeda.

Alshabaab ayaan wax war ah kasoo saarin weerarka ka dhacay Gobolka Gedo, iyadoo aysan jirin cid dhexdhedaad ah oo xaqiijisay qasaaraha dagaalka.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON