Maleeshiyada is abaabushay ee Gobolka Hiiraan ee loo yaqaan Macawisleyda ayaa degaanka Halgan ee Gobolka Hiiraan dagaal kula galay Alshabaab, iyagoo guulo ka sheegtay dagaalkasi.
Dagaalkan oo ay qaadeen maleeshiyada Macawisleyda ayaa ka dhacay duleedka deegaanka Halgan, waxayna xubno ka tirsan Kooxda Macawiisleyda sheegeen inay dagaalkaasi ku dileen xubno Alshabaab ka tirsan oo uu ka mid yahay Sarkaal Ajnabi oo kasoo jeeda dalka Kenya.
Dadka degaanka ayaa sheegay inuu labada dhinac dhex maray dagaal culus, balse ma jirto cid xaqiijisay qasaaraha ka dhashay dagaalkaasi oo ka mid iska hor imaadyo dhex mara labada dhinac.