Sunday, July 6, 2025

Maleeshiyo Alshabaab, Horjoogyaal iyo Ajnabi lagu dilay Howlgal ka dhacay Sh/Hoose

Talisyada Mialteriga iyo Nabadsugidda ayaa sheegay in howlgal ay Gobolka Sh/Hoose ka fuliyeen Saaxiibada caalamiga lagu dilay Alshabaab Fara badan.

Hay’adda NISA ayaa laga soo xigtay in weerarka lagu qaaday Beerta Shariifka ee deegaanka Nuungarre oo 8-km uga aadan Waqooyiga deegaanka Bariire ee gobolka Shabeellada Hoose, halkaasina lagu dilay in ka badan 40-ka tirsan Khawaarijta Al-Shabaab.

Xubnaha weerarka duqeynta ah lagu dilay ayaa la sheegay inay isugu jireen Horjoogeyaal iyo maleeshiyaad Soomaali iyo ajnabi ah, waxaaba sidoo kale lagu dhaawacay tiro intaas ka badan.

Howlgalka ayaa dhacay Habeenkii Talaadada 2-da bisha May 2023, kadib markii maleeshiyaadka Alshabaab ay abaabul ka bilaabeen Beerta caaka ah.

Wararka Dowladda soo saartay ayaa sheegaya in ilaa 10 Ajaanib ah ay ku jiraan xubnaha lagu laayey hawlgalka duqeynta.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON