Thursday, June 8, 2023

RW Xamse oo magacaabay Xubno ka mid noqonaya Golaha Wasiirada Xukuumadda Somaliya

Ra’iisal wasaaraha xukuumadda Federaalka Xamse Cabdi Barre ayaa magacaabay xubno ka mid noqonaya Golaha Wasirada oo buuxinaya xilal ka bannaan Xukuumadda.

Wareegto kasoo baxday Xafiiska Ra’iisal wasaaraha ayaa lagu magacaabay:

1. Cabdikariim Cabdow Xaydar; Waxaa loo magacaabay Wasiiru-Dowlaha Wasaaradda Gaadiidka iyo Duulista Hawada.

Ad

2. Axmed Jaamac Cumar: waxaa loo magacaabay – Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Gaadiidka iyo Duulista Hawada

Xildhibaan C/kariin Cabdow Xeydar ayaa qabanaya xilka Wasiiru dowlaha Wasaaradda Gaadiidka iyo Duulista Hawada oo uu iska casllay Xildhibaan Maxamed Cali Cumar Caananuug.

Sidoo kale Axmed Jaamac Cumar ayaa noqonaya Wasiir kuxigeenka cusub ee Wasaaradda Gaadiidka iyo Duulista Hawada oo uu hore u baneeyay Sulub Axmed Firin oo loo magacaabay Taliyaha Booliska Soomaaliyeed.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,966FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,966FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON

error: Content is protected !!