Saturday, July 12, 2025

Maleeshiyo Alshabaab ka tirsan oo lagu laayay Hiiran (Magacyada hor-joogayaasha la dilay)

Ciidamada dowladda iyo  kuwa  AMISOM ayaa la sheegay inay howlgal ay saakay ka sameeyeen gobolka Hiiraan ay ku dileen in ka badan 25  maleeshiyo oo ka tirsan kooxda Al-Shabaab oo ay ku jiraan horjoogeyaal caan ah.

Al_shabaab

Wararka lagha helayo Gobolka Hiiraan ayaa sheegaya dagaal labada dhinac ku dhex maray  Galbeed Hiiraane, waxaana meydadka maleeshiyaad ka tirsanaa Al-Shabaab ee la dilay oo ay soo qaadeen  ciidamada la keenay Luuq-jeelow oo ku dhow Degmada Jalalaqsi, halkaas oo dadka loogu soo bandhigay si ay u daawadaan.

Xubnaha hor-joogeyaasha dagaalka lagu dilay waxaa kamida:

  1. Abuukar Xaaji Xabiibulaah (Hor-joogihii Alshabab  ee degaanka Ceel Cade)
  2. Yuusuf Sheekh Daa’uud  (Hor-joogihii Alshabab ee Degaanka Buq-Aqable)
  3. Maxamed Cali Cumar Dhuxul (Hor-joogihii Alshabab ee Tuulada Luuq-Jeelow)
  4. C/llaahi Warsade (wuxuu Alshabaab  u qaabilsanaa Maaliyadda gobolka Hiiraan)

Waxay kaloo wararku sheegayaan in la qabtay mid kamida maleeshiyada Alshbaab oo qaabilsanaa dilalka gaadmada iyo khaarijita ah.

Waa dagaalkii ugu qasaaraha badnaa ee Gobolka Hiiraan ka soo gaara kooxda Alshabaab.

Goobjooge.com

[ad name=”HTML-1″]

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON