Wednesday, June 25, 2025

Maleeshiyo degan dhulka Safaaradii hore ee Mareykanka oo dagaal kala hor yimid Ciidamada Booliska

Wararka laga helayo magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in maleeshiyo degan dhulka sharci darrada ah ee xarunta safaaraddii hore ee Mareykanka ay dagaal kala hor yimaadeen ciidamada Booliska Muqdisho.

Arrintan ayaa ka dambeysay olole maamulka Gobolka Banaadir iyo ciidamada amniga ka wadeen maalmahan dhulka loo yaqaan Silliga ee degmada Wadajir oo ah dhulkii safaaradda Mareykanka ee Muqdisho, kaasoo lagu doonayo in jidad laga furo goobtaasi oo noqotay meel ay ku dhuuntaan burcadda, kana dhacaan falalka amni darrada ee abaabulan.

Ciidamada Booliska iyo maamulka Gobolka banaadir ayaa halkaasi ka waday dumis guryo isku rarran iyo furis wado, markii ay dagaal ku soo qaadeen maleeshiyada degan halkaasi, waxaana iska hor imaadka labada dhinac ka dhashay qasaare.

Maleeshiyada oo sheeganeysa inay ka tirsan yihiin ciidamada milateriga ayaa ku doodeysa in la bara kicinayo, isla markaana aanay heysan meel ah u guuraan, waxaana xaaladda ay dhalisay in xaafadda lagu kala cararro.

Ciidamo dheeraad aha ayaa la sheegay in loo diray Xaafadda Silliga, iyadoo dadka degaanka qaarkood ay ka qaxeen xaafadaasi.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON