Wararka laga helayo Gobolka Sh/Dhexe ayaa sheegaya in dabley Burcad lagu sheegay ay dil u geysteen darawal Gaari nooca dadweynaha ah oo ka shaqeeya Muqdisho iyo Gobollada Dhexe.
Koox Burcad ah ayaa degaanka Raage Ceelle ee Gobolka Sh/Dhexe ay rasaas ku fureen Gaari weyn oo nooca loo yaqaan BG ah, kaasoo ka tegay Muqdisho, kuna sii jeeday Gobollada Dhexe, waxaana rasaasta ku dhintay Darawalkii Gaariga la weerarray.
Dadka degaanka ayaa sheegay in Darawalka ah ee la dilay lagu magacaabi jiray Maxamuud Xasan Nuur, isla markaana muddo dheer oo 30 sano uu ka shaqeynayey wadaddaasi, waxaana dilkiisa la sheegay inay ka dambeeyeen koox Burcad oo soo-boodo ah.
Ehellada Darawalka ayaa dalbaday cadaalad iyo in sharciga la hor keeno burcadii falka dilka ah geysatay, waxaana arrintan ay imaaneysaa iyadoo dhowaan Maxkamadda Ciidamada ay Dil toogasho ah ku xukuntay nin dabley ah oo Isbaaro taalla degmada Balcad ku dilay Darawal Gaari BL ah.
