Tuesday, July 1, 2025

Ciidamada NISA oo Siyaasi Reer Gedo ah ka hor istaagay Diyaarad uu u raaci lahaa Beledxaawo

Wararka laga helayo garoonka Diyaaradaha Aaden Cadde ee magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in ciidamada Dharcadka NISA ee Garoonka ka howlgala ay hor istaageen siyaasi kasoo jeeda Gobolka Gedo.

Siyaasigan oo gacansaar la leh Madaxweynaha Jubbaland ayaa lagu magacaabaa Cabdillahi Cabdi Qariyow (Cabdillahi Shimbir), waxaana laga reebay diyaaradii uu la socday oo ku wajahneyd magaalada Beledxaawo.

Waraka qaar ayaa sheegaya inuu siyaasigan u socday Tacsida Adeerkiis oo ku geeriyoday magaalada Beledxaawo, balse Garoonka Muqdisho laga celiyay.

Wararka ayaa sheegaya in tegista C/llaahi Shimbir ee Gobolka Gedo uu ka horjeedo Madaxa NISA ee Bakaal Kooke oo gacansaar la leh Agaasimaha NISA Mahad Salaad, waxayna arrintan qeyb ka ahayd hab dhaqankii Hay’adda NISA xilligii Farmaajo iyo Fahad Yaasiin.

Ma cadda weli siyaasadda dowladda Madaxweyne Xasan Sheekh ee Gobolka Gedo xilligan, laakiin waxaa si weyn faraha ugula jirta dowlada Itoobiya oo waanwaan ka dhex waday maamulka isku heysata ee Gobolkaasi.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON