Faahfaahin laga helayo dagaal ka dhacay Gobolka Sh/hoose ayaa sheegaysa in maleeshiyo ka tirsan Alshabaab lagu dilay weerar kedis ah oo ay xalay ku qaadeen degmada Qoryooley
Dagaalka oo ahaa mid culus ayaa xalay dhex maray Ciidamo ka tirsan Milateriga Soomaaliya iyo maleeshiyada Al-Shabaab oo weerar ku qaaday xarun ay duleedka degmada Qoryooley ee Gobolka Shabeellaha Hoose ku leeyihiin ciidamada, waxaana halkaasi labada dhinac ku dhex maray dagaal socday muddo daqiiqado ah, iyadoo markii danbe dib loo celiyey..
Taliyaha amniga Qoryooley Cali Maxamed Aadan ayaa warbaahinta u sheegay inay weerarka ku dileen afar ka mida maleeshiyadii Al-Shabaab ee weerarka kusoo qaaday koontarool ay ku sugnaayeen ciidamada dowladda.
Wararkii ugu danbeeyay ee Degmada Qoryooley aya sheegaya inay saaka daaladda degan tahay, iyadoo goobtii lagu dagaalamay ku sugan ciidamada Milatariga dowladda, man jiro wax war ah oo kasoo baxay Alshabaab.