Wararka laga helayo degaanka Gal-hagoog oo 270-KM dhinaca Bari uga beegan magaalada Gaalkacyo ayaa sheegaya in Galabta halkaasi ay ku dagaalameen maleeshiyaad hubeysan oo iska horjeeda.
Dagaalkan ayaa ka dhashay markii ay labada maleeshiyo isku qabsadeen cidda la wareegeysa Markab Xamuul oo weyn, kaasoo maanta ku soo caariyay xeebta degaanka Gal-hagoog.
Waxaa la xaqiijiyey in ugu yaraan qof ku dhintay mid kalena dhaawacmay is-rasaaseyn dableyda hubeysan galabta ku dhex martay degaan Xeebeedka Galhagoog ee Gobolka Mudug.
Degaanka Gal-hagoog ayaa waxaa maanta kusoo caariyay Markab la sheegay iney saaran yihiin Badeecadoyin kale duwan. Ilaa iyo hada lama oga Markabka halka uu ka diiwan gashan yahay iyo cidda leh midna.
Saraakiisha maamulka gobalka mudug ayaa Sheegay in ay wadaan dadaalo ku aadan sidii arimahaasi wax badan looga qaban lahaa, islamarkaana haatan ay socdaan gurmad ay wadaan Maamulka.