Wednesday, April 17, 2024

XOG: Waanwaan C/weli Gaas ka dhex waday Axmed Madoobe & Madaxda Dowladda Federaalka oo fashilantay

Wararka laga helayo magaalada Kismaayo ayaa sheegaya inay fashilantay waanwaan uu Madaxda Ddowladda Soomaaliya iyo madaxweynaha Jubbaland Axmed Madoobe ka dhex waday Madaxweynaha Puntland C/weli Maxamed Cali (Gaas).

Gaas oo xiriir fiican la leh madaxweyne Farmaajo ayaa la sheegay inuu la yimid qorshaha ah inuu heshiisiiyo labada dhinac, iyadoo Axmed Madoobe uu hadda yahay mas’uulka ugu weyn ee khilaafka kala dhaxeeyo dowladda Federaalka, waxayna arrintan salka ku heysay in damaanad qaad iyo taageero laga helo dowladda Federaalka si loo xaliyo khilaafka labada dhinac.

Madaxda dowladda Federaalka iyo C/weli Gaas ayaa isku fahmi waayey qaabka loo xalinayo xaaladda siyaasadeed ee dhex taalla Axmed Madoobe iyo Dowladda Federaalka, waxayna shardi ka  dhigteen in Axmed Madoobe uu yimaado Magaalada Muqdisho waanwaantana ka dhacdo caasimadda.

Ad

Dadaalkii madaxweynaha Puntland ayaa socon waayey markii Axmed Madoobe ka biyo diiday inuu Muqdisho u tago waanwaan, iyadoo aanay marka hore dowladdu ka gar bixin arrimo badan iyo faragelin uu ka tirsanayo, taasoo keentay in waanwaanta C/weli Gaas socon weydo.

Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON