Friday, August 1, 2025

Maleeshiyooyin kasoo jeeda Puntland iy Galmudug oo ku dagaalamay Goboka Mudug

Wararka laga helayo Gobolka Mudug ayaa sheegaya inuu dagaal dhex maray laba maleeshiyo oo ka soo kala jeeda maamulada Galmudug iyo Puntland.

Dagaalkan ayaa ka dhacay degaanka Godod, Bariga Gobalka Mudug waxaana wali taagan Xiisad u dhaxeysa maleeshiaydii halkaasi ku dagaalantay, iyadoo lasoo weriyay inuu jiro qasaare kala gaaray labada dhinac.

Wararka aya sheegay inuu dagaalka ka danbeeyay dilal todobaadkan ka dhacay isla Gobolka Mudug, iyadoo xiisad beeleed ay ka jirtay degaanada lagu dagaalamay.

Ciidamada Liyuu Boolis oo dad kale oo shacab ah ku laayay Dacdheer

Odayaaasha dhaqanka ee deegaanka ayaa Maamulada Puntland iyo Galmudug ka dalbaday in ay soo kala dhax-galaan Labada Maleeshiyo ee halkaasi ku dagaalantay walina ay xiisadooda taagan tahay.

Ma aha markii ugu horeysay ee maleeshiyooyinka beeleed ee kasoo kala jeeda maamulada Galmudug iyo Puntland ay ku dagaalamaan degaanada Gobolka Mudug oo ay wada degaan.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON