Dowladda Maraykanka ayaa ku dhawaaqday maanta inay cunaqabataytii dhaqaalaha ka qaaday dowladda Suudaan.
Cunaqabateyta ayaa dalka Suudaan saarneyd muddo 20 sano ah ka hor. War Maraykankaka soo baxay ayaa lagu sheegay in dowladda Suudaan ay horumar ka samaysay xuquuqul insaanka.
Waxay sidoo kale Suudaan wax ka qabatay baa la yiri arrimaha la dagaalanka xagjirka. Dalka Suudaan waxaa saarnaa cunaqabatayn ganacsi iyo xayiraado kaleba.

Geedisocodka Suudaan xayiraada looga qaaday waxaa bilaabay madaxweynihii Barack Obama. Balse kooxaha xuquuqul insaanka ayaa cambaareeyey tillaabadan Suudaan cunaqabataynta looga qaaday.
Waxay sheegayaan kooxahani in Suudaan aysan dhab ka ahayn inay isbadal muuqda samayso. Madaxweynaha Suudaan AlBashiir ayaa ah nin ay doondoonayso maxkamada dambiyada aduunka.