Thursday, July 3, 2025

Mareykanka oo Abaalmarin Lacageed oo cusub Dul dhigay Madaxda Alshabaab (Amiirka waxaa dul saaran..)

Waaxda arrimaha dibadda ee Mareykanka ayaa ku dhawaaqday abaalmarin lacageed cusub oo la dul dhigay Madaxda Alshabaab, taasoo la siinayo ciddii soo sheegta xog lagu xiri karo ama lagu beegsan karo.

Abaalmarinta Lacageed ee Mareykanku ballanqaaday ayaa gaareysa 6 milyan oo Dollar hoggaamiyaha Alshabab, waxaana heli doona ciddii keenta xog horseedeysa in la soo xiro afar ka mida hoggaamiyeyaasha sare ee Al-Shabaab.

Afarta hoggaamiye ee Alshabaab waxay kala yihiin: Axmed Diiriye Abuu Cubeyda (hogaamiyaha), Mahad Karate (Taliyaha Amniyaadka), Fu’aad Maxamed Khalaf (Fududeeye dhinaca Maaliyadda), iyo Jacfar (Fududeeye iyo Qorsheeyaha Hawlgalka ah).

War ogeysiis ah oo ay soo saartay Wasaaradda Arrimaha dibadda Mareykanka ayay dhammaan dadka macluumaad ka haya afartan hoggaamiye iyo halka ay ku sugan yihiin uga dalbatay inay si degdeg ah ula xiriiran Waaxda iyo baraheeda bulshada.

“Dhaqdhaqaaqyada Al-Shabaab waxay sii wadaan inay khatar ku yihiin nabadda, amniga, iyo xasilloonida gobolka, Waaxda Abaalmarinta Caddaaladda ee Wasaaradda Arrimaha Dibedda waxay abaal-marin lacageed oo dhan $6 milyan ku bixinaysaa ciddii keenta xog ku saabsan hoggaamiyeyaasha Al-Shabaab, wac ama farriin qoraal ah noogu soo dir macluumaadka adigoo isticmaalaya SMS, Signal, Viber, iyo WhatsApp,” ayaa lagu yiri qoraalka.

Abuu Cubeyda (Axmed Diiriye): Waxa uu xilka qabtay September 2014, kadib markii uu geeriyooday Amiirkii hore ee Al-Shabaab Axmed Cabdi Aw-Maxamed (Godane). Amiirka ahaan, Abuu Cubeyda wuxuu si toos ah mas’uul uga yahay dhaqdhaqaaqyada Al-shabaab, kuwaasoo weli khatar ku ah nabadda, ammaanka, iyo xasilloonida Soomaaliya iyo danaha Mareykanka ee gobolka.

Waxaa la rumeysan yahay in da’da afartameeyo ay tahay, waxaana uu ka soo jeedaa beesha Dir ee ka soo jeeda gobolka Kismaayo ee Soomaaliya. Abaalmarin dhan $6 milyan qofkii keena xog horseeda in la xiro.

Mahad Karate (oo loo yaqaan Cabdiraxmaan Maxamed Warsame): Karatee waxa uu u shaqeeyaa sida ku xigeenka hogaamiyaha Al-Shabaab, waxaana uu mas’uul ka yahay Amniyaadka, garabka sirdoonka iyo amniga ee maleeshiyada. Amniyaatka waxay door muhiim ah ka qaataan fulinta weerarada ismiidaaminta iyo dilalka qorsheysan ee ka dhaca Soomaaliya, Kenya iyo wadamada kale ee gobolka. Abaalmarin dhan $5 milyan qofkii keena xog horseeda in la xiro.

Fu’aad Mohammed Khalaf (oo loo yaqaan Fu’aad Shongale): Wuxuu u fududeeyay Al-Shabaab taageero dhaqaale tan iyo 2008. Wuxuu si joogto ah u abaabulaa oo u qabtaa xaflado dhaqaale loogu uruurinayo kooxda xagjirka ah. Abaalmarin dhan $5 milyan qofkii keena xog horseeda in la xiro.

Jacfar: Jacfar wuxu Al-Shabaab u qaabilsan yahay dhanka qaraxyada, waxaana uu mas’uul ka yahay weerarada ka dhaca Muqdisho. Wajigiisa lama garanayo. Abaalmarin dhan $5 milyan qofkii keena xog horseeda in la xiro.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON