Dowlada Mareykanka ayaa ku balanqaaday inay cunaqabateyntii ug cusleyd dunida ay dusha u saari doonto dalka Iiraan, iyagoo ku xirtay 1 shuruudood.
Xoghayaha arrimaha dibadda Mareykanka Mike Pompeo oo khubad ka jeediyay machad ku yaalla magaalada Washington ayaa sheegay in Iiraan dhaqaalaheedu dhulka geli doono marka cunaqabateyntaasi ay bilaabato, wuxuuna intaas ku daray in Wasaaradda Gaashaandhigga Mareykanka iyo dalalka Gobolka iska kaashan doonaan ka hortagga wixii gardarro milateri ah ee Iiraan ku dhaqaaqdo.
Mike Pompeo ayaa ka dalbaday Iiraan inay fuliso 12 shuruud oo ay ka mid tahay inay ciidamadeeda kala baxdo dalka Suuriya, wuxuuna intaas ku daray in Iiraan laga doonayo ogolaanshaha iyo fulinta qodobbdaasi.
Xoghayhaa arrimaha dibadda Mareykanka Mike Pompeo ayaa caddeeyay inaysan Iiraan u ogolaan doonin inay qabsato Bariga Dhexe, sawaariiqdeedana ay gaaraan Sacuuudiga iyo Israa’iil.
Wasaaradda Arrimaha dibadda Iiraan ayaa gaashaanka ku dhufatay Qorshaha cusub ee Mareykanku ku go’doominayo dalkeeda, waxayna caddeysay inay wax wadahadal ah ka galeynin arrin ka baxsan heshiiska Niyukliyeerka.