Monday, July 14, 2025

Mareykanka oo Dacwad kusoo oogay Soomaali ka baxsaday dalkaasi oo lagu eedeeyay Alshabaabnimo

Garsoorka Dowladda Federaalka Mareykanka ayaa shalay si rasmi ah Dacwad la xiriirta argagixisanimo kusoo oogay Liibaan Xaaji Maxamed oo asal ahaan kasoo jeeda Soomaaliya, balse heysta dhalashada Mareykanka, kaasoo Mareykanka ka cararay sannadki 2012-ki, madaxiisana la ful dhigay lacag dhan 50-kun oo Doolar.

Maxkamadda Federaalka ee Gobolka Virginia ayaa ku soo oogtay Liibaan Xaji Maxamed looga soo dacwad loo heysto in looga shakisan yahay inuu Mareykanka ka qorayay rag ku biiray kooxda Al-Shabaab iyo inuu taageero dhaqaale siinayey kooxda argagixisada Al-Shabaab.

Xafiiska xeer ilaalinta Mareykanka ee magaalada Alexandria ee gobolka Virginia ayaa sheegay in eedaha kale ee uu Liibaan wajahayo ay yihiin isku-dayga inuu rabay inuu shaqaaleysiiyo sarkaal dharcad ah si uu ugu safro Soomaaluya, isla markaana uu tababar u soo siiyo dagaalyahannada Al-Shabaab.

Waxaa kale oo lagu soo eedeeyay inuu qorsheynayay inuu xirfaddiisa dhanka warbaahinta u adeegsado sidii uu uga qeyb qaadan lahaa qeybta warbaahinta Al-Shabaab ee ay kusoo jiitaan dhalinyarada uga soo biirta dalalka Galbeedka.

Liban Haji Mohamed, oo ah 34, kasoo jeeda magaalada Alexandria, ee gobolka Virginia, wuxuuse ku dhashay Soomaaliya, ayaa markii uu Mareykanka joogay ku shaqeyn jiray Taksi. FBI-da ayaa sheegtay in ay dhaq-dhaqaaqiisa xiriirka uu la leeyahay Al-Shabaab ka war-heshay sannadki 2010.

Wuxuu Mareykanka ka baxsaday bishii July ee sannadki 2012-ki. Sannadki 2015-ki ayay FBI-da ku dartay liiska argagxisida sida aadka loo doon-doonayo. Warbaahinta Mareykanka ayaa sheegtay in Liiban uu ku xiranyahay Soomaaliya, balse Soomaaliya iyo Mareykanka kama dhaxeeya heshiiska gacan-gelinta eedeysanayaasha.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON