Diyaaradaha dagaalka Dowladda Maraykanka ayaa dagaal hagada Sare ee daukooda ka socda ku jira waxyaabo aan ka garaneyn oo soo galay hawadooda, kadib Buufin weyn oo Shiinaha lahaa, kaasoo dhowaan la qaxriyay.
3 Walxo hawada maraya oo aan illaa haatan garan meesha ay ka yimaaddeen, kuwaas oo joog sare ku duulayey ayey shaacisay Wasaaradda Difaaca Mareykanka in la soo riday maalmihii ugu dambeeyey, waxaana loo maleynayaa inuu Shiinuhu leeyahay.
Afhayeenka Golaha Amniga Qaranka ee Maraykanka John Kirby ayaa sheegay in walxahani uu Mareykanku kula dagaalamayo Hawadiisa Sare aysan u muuqanin kuwo awood u leh inay wax basaasaan, balse aanu meesha ka wada saari karin baaritaan socda awgiis.
Haraaga walxahaasi la qarxiyay ayaa ku dhacay meelo aad u fog oo aan la gaari karin, Barafleyda xeebaha gobolka Alaska ee Woqooyiga Galbeed ee Maraykanka, Yukon oo Canada ah iyo harada Huron oo ku taalla xuduudda Maraykanka iyo Canada.
Dhowaan ayey diyaaradaha dagaalka Mareykanka ee F-22 soo rideen Buufin weyn oo Shiinaha lahaa, kaasoo galay hawada Mareykanka, waxaana la sheegay inay ku xirnaayeen qalab wax basaasa, halka Dowladda Shiinaha ay ku dooday inuu ahaa buufin cilmi baaris caadi ah ku jiray.