Tuesday, July 1, 2025

Mareykanka oo dib u bilaabay Duqeyntii Alshabaab iyo xubno lagu dilay J/Hoose

Mareykanka ayaa dib u bilaabay duqeynta saraakiisha Alshabaab, kadib muddo ay hakad ku jirtay, oo madaxweynaha Mareykanka uu amray in ciidamada dalkaasi lagu celiyo Soomaaliya.

Sida ay shaacisay Wasaaradda Warfaafinta Xukuumadda Federaalka weerar cirka ah ayaa lagu qaaday maleeshiyo ka tiran Alshabaab oo ku sugneyd degaanka Beer-xaani, duleedka magaalada Kuismaayo ee Gobolka J/Hoose, waxaana lagu dilay ugu yaraan shan ka mid ah maleeshiyada Al-shahaab.

Weerarkan oo ay fuliyeen Ciidamada ciidamada Mareykanku ku qaadeen maleeshiyada Al-shabaab meel u dhow Beer Xaani, sida ay shaacisay wasaaradda warfaafinta Soomaaliya.

Weerarka oo ay geysteen diyaaradaha is-wada ee Drone-ka ayaaa yimid kadib marki maleeshiyada Al-shabaab ay weerar kusoo qaadeen ciidamada dowladda Soomaaliya, kadibna ay taageero ka dalbadeen Mareykanka.

Ma jirto wax khasaare ah oo howlgalkan kasoo gaaray dadka rayidka ah, sida lagu sheegay warsaxaafadeedka dowladda Soomaaliya ay baahisay.

Madaxweynaha Mareykanka ayaa 16-kii bishii hore ee May saxiixay amar boqolaal askari oo Mareykan ah dib ugu celinaya Soomaaliya, si ay uga hortagaan kooxda Al-Shabaab ee Soomaaliya.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON