Tuesday, June 24, 2025

Mareykanka oo Dowladda Federaalka & Maamul Goboleedyada ka dalbaday inay wadahadlaan, ugana digay Carqalad ay…

Safaaradda Mareykanka ee Soomaaliya ayaa soo saartay War-saxaafadeed ay dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Maamul Goboleedyada dalka uga dalbatay inay dib u xaqiijiyeen wada-shaqeyntoodii ayna isugu yimaadaan wadahadal lagu dhammeeyo khilaafkooda si looga adkaado Alshabaab, dibna loogu dhiso hay’adaha Amniga iyo dowladnimada Soomaaliya.

Qoraalka ayaa lagu sheegay in Mareykanka uu sii wado dadaalkiisa la-xaajoodka dowladda Federaalka iyo dhammaan shanta Madaxweyne ee Maamul Goboleed, ayna muhiim tahay dardar gelinta wadahadal iyo heshiis si loo looga gudbo caqabadaha amni ee jira, iyadoo Mareykanku ka go’an tahay xaqiijinta arrintaasi.

“Dhammaan dhinacyada waa inay ku wadahadlaan si daacadnimo ah, ayna meel iska dhigaan inay u dhaqmaan sida qas-wadayaal, iskana dhowraan qaab kasta oo ay ku khalkhal gelin karaan hannaanka siyaasadda..” ayaa lagu yiri qoraalka safaaradda Mareykanka.

Safaaradda Mareykanka waxay kaloo sheegtay in dowladda Mareykanka ay ka go’an tahay taageerada dadka Soomaaliyeed dadaalka ay ugu jiraan inay dib u dhistaan Hay’adaha dowladda; ayna garawsan tahay in Soomaaliya ay mareyso marxalad adag oo ka mida safarka ay ugu jirto dimoqraadiyadda, waxaana lagu caddeeyay in hanaankii doorashooyinkii ugu dambeeyay ay ahaayeen kuwo khaladaad leh.

“All parties should negotiate in good faith, resist the temptation to act as spoilers, and avoid destabilizing the political process in any way. The people of Somalia demand it, future generations expect it, and Somalia’s leaders must enact it.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON