Ciidamada dawladda Soomaaliya iyo kuwa maamul goboleedka Galmudug ayaa dib ugu laabtay magaalada Camaara ee Gobolka Mudug, kadib markii ay duqeyn cirka ah ka dhacday halkaasi oo muddo kooban ay saaka qabsadeen maleeshiyada Al-Shabaab.
Warbaahinta dawladda Soomaaliya ayaa soo shaacisay in duqayn cirka ah lala beegsaday maleeshiyada ururka Al-Shabaab, ee ku sugnaa nawaaxiga Camaara. Wararka aya sheegaya in la duqeeeyay gaadiidkii ay ka qabsadeen Alsahbaab oo ilaa afar gantaal ay la beegsadeen diyaaradaha Drone-ka Mareykanka.
Duqeynta Mareykanka ku caawiyey ciidamada dowladda iyo kuwa Galmduug ayaa in lagu dilay tiro badan oo ka tirsanaa maleeshiyada Al-Shaabab. Waxayna ahayd tii sedexaad labadii Bilood gudahood lagu qaado Alshabaabka ka dagaalamaya Koonfurta Mudug.
Wasiirka Warfaafinta ee Galmudug Axmed Shire Falagle ayaa isaguna sheegay in dhinca cirka laga duqeeyey maleeshiyada Al-Shabaab, basle wuxuu beeniyey in ciidamda dawladda markii hore laga qabsaday Camaara.
