Monday, June 23, 2025

Mareykanka oo Duqeyn ku caawiyey ciidamada ka dagaalamaya Qaycad & Alshabaab oo weli dhufeysyadii..

Duqayntii saddexaad ee cirka ah oo ay qaadeen ciidamada Mareykanka ayaa mar kale maanta ka dhacday deegaanka Qaycad ee Koonfurta gobolka Mudug oo fariisin ay ku lahaayeen maleeshiyada Al-Shabaab.

Duqeyntan ayaa marki ay dhacday kadib waxaa weerar qaaday ciidamada huwanta ee dowladda, Galmudug iyo dadka degaanka, waxaana la sheegay inuu ka dhashay qasaare xoog leh oo labada dhinac ah.

Saraakiil ka tirsan maamulka Galmudug oo ku sugan Qaycad iyo Bacaadweyne ayaa xaqiijiyay in laba Gantaal lagu dhuftay degaanka Qaycad oo Al-Shabaab ay fariisimo ku lahaayeen, balse ciidamada Galmudug ay u suurta-gali waysay inay gudaha ugalan deegaankaasi oo Alshabaab si weyn u difacayaan.

Ad

Weli lama oga khasaaraha kooxda Al-Shabaab kasoo gaaray duqeynta. Wasaaradda Warfaafinta Soomaaliya ayaa war ay soo saartay ku sheegtay in laba duqeyn oo is-xigay ay ka dhaceen inta u dhaxeysa deegaanada Bacaadweyne iyo Camaara oo ka tirsan Mudug.

War-saxaafadeed kasoo baxay Wasaaradda ayaa lagu sheegay, in labada duqeyn oo kala dhacay 10:22am iyo 11:01am, ay burburiyeen maleeshiyo Al-Shabaab ah oo dagaal kula jiray ciidamada Danab iyo Ciidamada Xoogga dalka.

Qoraalka ayaa intaas ku daray inaysan jirin wax khasaare ah oo rayidka kasoo gaaray duqeyntan. Duqaynta maanta ayaa noqonaysa tii saddexaad oo deegaanada koonfurta Mudug ka dhacda saddex toddobaad gudahood.

- Advertisement -

Alshabaab ayaa dhinaceeda sheegtay in duqeyntii maanta aan wax qasaare ah kasoo gaarin, isla markaana ciidamo fara badan ka dileen dhinaca kale ee weerarka soo qaaday.

Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON