Taliska Ciidamada Millitariga Mareykanka ee Afrika AFRICOM ayaa shaaciyey inay werar Duqeyn ah ku qaadeen 19-kii bishan degmada Jillib oo ka tirsan Gobolka Jubbada Dhexe.
Weerarka ayuu Taliska AFRICOM sheegay in lala beegsaday saldhig, laguna dilay Saddex Dagaalame oo Shabaab ka tirsanaa. Wuxuu sheegay Mareykanka inta Duqeyntan aysanwax khasaare ah lagu gaarsiin dad shacab ah.
“Diyaaradaha aan duuliyaha laheyn ee ay wateen Ciidamadeen ayaa waxa ay Duqeyn ka fuliyeen meel ku dhow degmada Jillib, waxayna ku dileen Saddex Argagixisada ka tirsanaa, dad shacab ah Howlgalka khasaare laguma gaarsiin.” Ayaa lagu yiri Qoraalka (AFRICOM).
Dowladda Mareykanka ayaa Koonfurta Soomaaliya waxa ay ku fulisaa Duqeymo ay la eegato fariisimo ay sheegto inay ku sugan yihiin xubno ka tirsan Ururka Al-shabaab ee xoogooda ka dagaalama Koonfurta Soomaaliya.