Monday, June 23, 2025

Mareykanka oo farageliyay colaadda Gaalkacyo [Kulan dhex maray safiirka & Madaxweynaha Galmudug]

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Galmudug C/kariin Xuseen Guuleed oo muddooyinkan ku sugnaa magaalada Muqdisho ayaa kulan la yeeshay safiirka Mareykank ee Soomaaliya.

Kulanka ayaa maanta ka dhacay xarunta Xalane ee safaaradda Mareykanka, waxaana la sheegay in safiirka Mareykanka Stephen Schwartz iyo madaxweynaha Galmudug ay ka wadahadleen dagaalka Magaalada Gaalkacyo, arrinta duqeyntii Mareykanka ku dilay ciidamadii Galmudug.

guuleecd-safiirka-usa

Safiirka Mareykanka Stephen Schwartz ayaa si toos ah uga dalbaday Madaxweynaha Galmudug in la joojiyo dagaalka magaalada Gaalkacyo, si shuruud la’aan ahna loo kala qaado ciidamada taasoo uu  aqbalay Madaxweynaha Galmudug. Safiirka Mareykanka ayaa sidoo kale xiriir la sameeyay madaxweynaha Puntland C/weli Gaas.

Stephen Schwartz ayaa laga soo xigtay in Mareykanka uu saldhig milateri ka sameysan doono degaanada Galmudug si loo Xoojiyo wada-shaqeynta Mareykanka iyo Galmudug.

Goobjooge.com

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON