Saturday, July 19, 2025

Mareykanka oo Gargaar Lacag dheeraad ah oo ka badan 250 Milyan Doolar Siinaya Soomaaliya

Mareykanka ayaa ku dhawaaqay inuu kaalmo lacageed oo lagu gargaarayo Soomaaliya, sida ay shaacisay Hay’adda gargaarka u qaabilsan dalkaasi ee USAID.

Deeqda Mareykanku siinayo Somaaliya ayaa lagu sheegay inay gaareyso $257 Milyan oo Doollarka oo ah kaalmo dheeraad ah loona qoondeeyay arrimaha degdegga ah e bani’adamnimada Soomaaliya sanadkan 2019. sida baahida cuntada, biyo nadiif ah, caafimaadka, iyo nafaqo darrada dalka ka jirta.

USAID ayaa sheegtay in sanadkansii dhammaanaya ee 2019 ay Soomaaliya ku biisay lacag gaaretsa $500 Milyan oo Doollar., waxaana deeqdan ku dhawaaqday Diana Putman oo ah agaasime ku xigeenka Afrika u qaabilsan USAID, waxayna deeqdan noqoneysaa mid dheeraad ah oo gargaar bani’aadamino ah.

Mareykanka ayaa ah dalka ugu weyn ee kaalmada gargaarka Soomaaliya dhaqaale ku bixiya, waxaana deeqdan cusub ay guud ahaa lacagta gargaarka ee sanadkan 2019 Mareykanku ku bixiyey Somaliya ka dhigeysaa 498 Milyan oo Doolar.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON