Mareykanka ayaa ku jira diyaargarowgii ugu danbeeyay ee duqeymo dhinaca cirka ah oo lagu qaadayo ururka Alshabaab ee ka howlgala Koonfurta Soomaaliya.
Wararka ayaa sheegaya in Taliska ciidamada Mareykanka uu ururrada samafalka ka dalbaday inay caddeeyeen xarumaha ay ka howgalaan iyo degaanada ay uga sugan yihiin Koonfurta Soomaaliya.
Arrintan ayaa la sheegay inay hordhac u tahay in Mareykanka si weyn u kordhin doono howlgallada ciidamada Mareykanka ee Soomaaliya xilli uu Muqdisho booqday toddobaadkan taliyaha ciidamada Africom ee Mareykanka.
Qoraalka oo soo baxay 24 April aya loo kala diray hay’adaha samafalka iyo ururrada gargaark, wuxuuna ka yimid Hay’adda USAID waxaana la gaarsiiyay dhammaan hay’adaha caalamiga ah iyo kuwa gargaarka ee Soomaaliya ka howlgalla xilligan abaaraha darran ka jiraan dalka ku yaala Geeska Afrika.
Xaaladan oo kale ayuu Mareykanku ka sameeyay dalalka Afghanistan, Ciraaq iyo Suuriya oo qoraalo noocan ah loo kala diray hay’adaha gargaarka ee ka howlgala goobaha Mareykanku doonayo inuu howgallo ka sameeyo.
Madaxweynaha Mareykanka ayaa hore u shaaciyay in Soomaaliya ay tahay goob caddowga Mareykanka ku firfircoon yahay, wuxuuna ciidamada Mareykanka u fasaxay inay tallaabooyin dheeraad ah ka qaadaan Alshabaab.
Goobjooge.com