Dowladda Mareykanka ayaa ka timif go’aanka in ciidamada AMISOM laga saaro Soomaaliya, iyadoo bixisay balanqaad ku saabsan kharashaadka ku baxa ciidamadaasi.
Mareykanka ayaa ugu baaqay howlgalka Midowga Afrika ee AMISOM inay sii joogaan Soomaaliya, wuxuuna intaas ku daray in aragixisanimada Soomaaliya ay sii kordhi karto haddii ay baxaan Ciidamada AMISOM.
Sarkaalka u hadlay Wasaaradda Arrimaha dibadda Maryekanka Wohlers Marion ayaa sheegay in Mareykanka aanu rumeysneyn in arrinta ku sabasan in ciidamada AMISOM qeybta ugu horeysa ay Soomaaliya ka baxayaan Bisha Disember, wuxuuna caddeeyay in Mareykanka uu diyaar la yahay taageerada tababarrada, qalabeynta iyo xoojinta ciidamada Soomaaliya iyo AMISOM.
AMISOM ayaa dhowaan ku dhawaaqda in 1000 askari oo ka mida ciidamadeeda ay Soomaaliya ka baxayaan aakhirka sanadkan.