Tuesday, June 24, 2025

Mareykanka oo Liiska Argagixisada ku daray Guddoomiye ku-xigeenka Daacish ee Puntland ka howlgala [Akhriso]

Dowladda Maraykanka ayaa dhowaan liiska argagixisada ku dartay hoggamiye sare oo ka tirsan kooxda Daacish ee ka howlgasha Gobolka Bari ee degaanada Puntland.

Qoraal ka soo baxay Waaxda Arrimaha dibadda Mareykanka ayaa lagu shaaciyey ku xigeenka hoggaamiyaha Daacish ee Soomaaliya oo lagu magacaabo Mahad Macallin lagu daray liiska shaqsiyaadka loo doonayo argagixisnimada ee nolol iyo geeri lagu raadinayo.

Ninkan ayaa la sheegay inuu Daacishta Soomaaliya ee Puntland u qaabilsan yahay fududeynta Saanadda iyo Hubka kooxda uga yimaada dalka Yemen, sida lagu sheegay qoraalka ay soo saartay Waaxda Arrimaha debadda Maraykanka.

Daacishta Soomaaliya waxaa hoggaamiya Sheekh C/qaadir Muumin oo hore uga mid ahaa hogaamiyeyaasha Al-shabaab, isagoo October 2015 ku dhawaaqay inuu daacad ku biiray  Daacish, waxaana Mareykanka  uu liiska argagixisada ku daray isla bishi xigtay wadaadka Cabdulqaadir Mu’min.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON