Monday, July 14, 2025

Mareykanka oo Liiska Argagixisada ku daray kooxda Jamaacatu Al Hijra ee Alshabaab-ka Kenya

Wasaaradda arrimaha dibadda Mareykanka ayaa Liiska argagixisada ku dartay  kooxda Jamaactu Al Hijra oo ah Alshabaab-ka ka howlgala Kenya iyo qeybo ka mida Soomaaliya.

Kooxdan ayaa ka jirta inteeda badan dalka Kenya ayaa xiriir u dhow la leh kooxda  Al-shabaab ee Soomaaliya. Wasaarada ayaa sheegtay in isbedel badan lagu sameeyay kadib ururkaasi loo aqoonsaday argagixiso ku kacda falal ka baxsan sharciga.

Wasaarada Arrimaha dibadda Mareykanka qoraalkeeda ku caddeysay in ururka Jaamacatu Al-Hijra oo la asaasay sanadkii  2008-dii waxaana lagu dhisay  magaalada Nairobi ee dalka Kenya, kadibna ay noqotay weyn ka mida  Al Shabaab ee qaabilsan dalka Kenya.

Qoraalka ay soo daabacday wasaarada  oo aad u dheeraa ayaa waxaa kale lagu shaaciyay in Ururka Jaamacatu  Al Hijra  ay gacan ka geysatay askareynta xubnaha Shabaab ku biiraya, waxaan ay fududeysay in xubnaheeda ay si caadi ah ugu safraan dalka kenya.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON