Dowladda Maraykanka ayaa Badda Soomaaliya u soo dirtay Markab weyn oo nooca diyaaradaha xambaara ah, kaasoo ka qeyb qaadan doona howlgalka ciidamada Mareykanka loo saarayo Soomaaliya.
Markabkan ayaa lagu magacaabaa USS Hershel “Woody” Williams ayaa howshiisu noqon doonta taageero uu ka geysto rarista ciidamada Mareykanka ee jooga Soomaaliya oo lagu qiyaasay 800 askari iyo qalabkooda, sida laga soo xigtay Wasaaradda Difaaca Mareykanka
Markabka USS Hershel ‘Woods’ Williams ayaa lagu wadaa inuu Xeebaha Soomaaliya soo gaaro horaanta bisha Janaayo, waxaana ciidamada Mareykanka ee ka baxyaa Soomaaliya la geyn doonnaa qaarkood dalalka Jabuuti iyo Kenya.
Madaxweynaha xilka kasii degaya ee Mareykanka Donald Trump ayaa amray dhowaan in Soomaaliya lag saaro Soomaaliya, isagoo yareeyay ciidamada ka jooga dalalka Afghanistan iyo Ciraq.
