Monday, June 23, 2025

Mareykanka oo Saraakiil ka tirsan Alshabaab ku dilay duqeyn cirka ah [Magacyada]

Weerar duqeyn ah oo ka dhacay tuulo ku taala Xadka Soomaaliya iyo Kenya ayaa la sheegay in lagu dilay saraakiil ka tirsan Alshabaab.

Duqeynta ayaa la sheegay in lagu qaaday tuulada Kanjaroon oo u dhow xadka Kenya, iyadoo ay fuliyeen diyaaradaha dagaalka ee Mareykanka, halkaasi  ku dhinteen afar sarkaal oo ka tirsan kooxda Al Shabab.

Saraakiisha lagu dilay weerarkaasi ayaa waxaa ka mida  Bashiir Dheere oo ahaan jiray taliye ku xigeenka maleeshiyaadka Al-Shabab ee gobolka Jubada Hoose iyo saddex sarkaal oo kale xilli ay ku sugnaayeen banaanka deegaanka Kanjaroon.

Ad

Bayaan laga soo saaray xafiiska taliska ciidamada Mareykanka ee Africa ayaa lagu sheegay in afartan sarkaal lagu dilay weerar is-difaacid ahaa oo dhinaca cirka ah, kadib marki ay kooxda Al Shabab weerar ku qaadeen ciidamada Soomaaliya iyo iyo lataliyaal Mareykan ah oo ku sugnaa duleedka magaalada Kismaayo.

Saraakiisha Mareykanka ee jooga Africa ayaa sheegay in weerarka ay fuliyeen ciidamada Mareykanka, doorka Soomaaliya ku lahaydna uu ahaa kaliya la talin.

Goobjooge.com

Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON