Milateriga Mareykanka ayaa faafhaahin ka bixiyay howgallo duqeyn ah oo ay diyaaradahooda ka fuliyeen Koonfurta Soomaaliya.
Wasaaradda Gaashaandhigga ayaa sheegay in duqeymo is-xigxigay oo ay ka fuliyeen Soomaaliya todobaadkii tegay ay ku dileen ilaa iyo 40 ka mid ah mintidiintii ay beegsadeen ee ururka Alshabaab.
Afhayeenka u hadlay wasaaradda Gaashaandhigga Mareykanka oo xarunta Pentagon-ka kula hadlay wariyeyaasha ayaa sheegay in shan duqeyn oo intii u dhaxeysay 9-kii ilaa iyo 12-kii bishan ay ku dileen 36 ka tiran maleeshiyada Al-Shabaab iyo 4 ka tirsan maleshiyada Daacish.
Mareykanka ayaa sheegay in dowladda Soomaaliya uu ka heysto ogolaansho rasmi ah, isla markaana waxaa muuqata in si weyn loo kordiyay weerarrada dhinaca cirka ah.