Taliska ciidamada Mareykanka ee Afrika ayaa shaaciyey war-saxaafadeed uu ku sheegay in duqeyn shalay ka dhacay Gobolka Sh/hoose lagu dilay dagaalmayaal ka tirsan Alshabaab.
War-saxaafadeedka ayaa lagu sheegay in weerarka cirka lagu qaaday degaanka Gendershe ee Gobolka Sh/Hoose, halkaasoo ah goob ay Alshabaab weerarro uga soo qaado ciidamada dowladda, waxaana duqeynta oo dhacday 1-da Febraayo lagu dilay 13 ka tirsan kooxda Alsahbaab, iyadoo qiimeynta weerarka lagu sheegay inaaan wax qasaare ah kasoo gaarin dad shacab ah.
HOOS KA AKHRISO WAR-SAXAAFADEEDKA