Taliska Ciidanka Mareykanka Africa ee AFRICOM ayaa shaaciyey duqeyn uu maalintii koowaad ee Ciidula Adxaa la beegsaday kooxda Alsahbaab oo ka dhacday duleedka magaalada Kismaayo meel 46-KM Waqooyi bari ka xigta magaalada Kismaayo.
Qoraal ka soo baxay taliska Mareykanka ee AFRICOM ayaa lagu sheegay weerarka lagu dilay 2 nin oo ka tirsanaa Al Shabaab, islamarkaana aanay jirin khasaare dadka rayidka ah ka soo gaaray duqeyntan.
“Ciidamada Mareykanka oo kaashanaya kuwa Dowladda Federaalka Soomaaliya waxa ay weerar ku qaadeen Xagjirinta Al-Shabaab meel 44-KM Waqooyi Baro ka xigta magaalada Kismaayo, waxaan ku dilnay 2 Argagixiso.” Ayaa lagu yiri warka ka soo baxay Taliska (AFRICOM).