Saturday, July 26, 2025

Mareykanka oo shaaciyey inuu Afar Weerar oo cirka ah ku dilay laba maleeshiyo oo Shabaab ah!

Taliska Milateriga Maraykanka ee Africa (AFRICOM) ayaa shaaciyey in afar duqeyn ay ka fuliyeen Soomaaliya 23-kii bishan Febraayo, iyadoo afarta duqeyn ay ka dhaceen nawaaxiga Kuunyo Barrow, halka duqayn kale ay ka dhacday agagaarka Jannaale, tan afraadna Awdheegle.

Maraykanku waxa uu sheegay in laba ka tirsan maleeshiyada Al-Shabab lagu dilay weerarrada, isla markaana lagu burburiyey baro kontorool iyo adeegyo kale oo Al-Shabab ay canshuuraha ku qaataan.

Dhinaca kalena, maleeshiyada Al-Shabab ayaa sheegtay in saddex qof oo rayid ah ay ku dhinteen duqaynta ka dhacday Kunyo Barrow, hase yeeshee milatariga Maraykanku waxay dhinacooda sheegeen in dad rayid ahi aanay ku dhiman kuna dhaawacmin weerarkan.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON