Wednesday, June 25, 2025

Mareykanka oo sheegay inuu duqeyn ku dilay 13 horjooge oo ka tirsan kooxda Alshabaab

Taliska Ciidamada Mareykanka ee  Afrika (Africom) ayaa shaaciyey inay 13 xubnood oo ka mid ah Al-shabaab ku dileen weerar ay ka fuliyeen Koofurta Soomaaliya.

Qoraalka Africom ayaa lagu sheegay iyagoo ku shaqeynaya iskaashiga ka dhaxeeya Ciidamada dowladda Soomaaliya ay weerareen Xero tababar oo Al-shabaab ay ku leeyihiin koofurta Soomaaliya, halkaasna ay ku dileen 13 ka mida Al-shabaab.

Weerarka oo dhacay subaxnimadii 24-ka Disembar ayaanu taliska Mareykanka sheegin goobta ay ka fuliyeen weerarka. Qoraalka ayaa lagu sheegay in Dowladda Mareykanka ay sii wadeyso weerarrada ka dhanka ah Al-shabaab iyada oo caawineysa Dowladda Soomaaliya,AMISOM iyo saaxiibada kale ee Soomaaliya.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON